Itoobiya: Afrika Waa Inay Hoggaamisaa Kacaanka Garaadka Macmalka ah
Madaxweynaha Itoobiya, Taye Selassie, ayaa sheegay in Afrika aysan noqon oo keliya qaarad isticmaasha teknoolajiyada ay dunidu curiso, balse ay tahay inay door muuqda ka qaadato dhismaha iyo hoggaaminta mustaqbalka Garaadka Macmalka ah (AI).
Isagoo ka hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu Madaxweyne Taye Selassie tilmaamay dadaallada Itoobiya ee lagu horumarinayo xirfadaha dhijitaalka ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin barnaamij lagu tababarayo 5 milyan oo dhallinyaro ah si ay u bartaan horumarinta softweerka.
Waxa uu sidoo kale xusay qorshaha Itoobiya ee lagu dhisayo jaamacad cusub oo si gaar ah diiradda u saari doonta waxbarashada iyo cilmi-baarista Garaadka Macmalka ah.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli AI-gu uu si xawli ah u beddelayo dhaqaalaha, suuqa shaqada iyo habka ay bulshooyinka dunidu u wajahaan mustaqbalka. Madaxweynaha Itoobiya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Afrika u leedahay inay hesho xirfado casri ah iyo aqoon teknoolajiyeed, si qaaraddu uga qaybqaadato isbeddellada cusub ee dunida halkii ay ka ahaan lahayd oo keliya isticmaale teknoolajiyada dibadda laga sameeyo.






