Israa’iil oo qarax xooggan ka geysatay koonfurta Lubnaan xilli xabbad-joojin jirto
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay qarax xooggan ka geysteen magaalada Khayam ee koonfurta dalkaas.
Wararka ayaa tilmaamaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, isla markaana uu sababay in daaqadaha dhismayaal ku yaalla magaalooyin dhowr ah oo ku teedsan deegaanka ay dillaacaan.
Dhacdadan ayaa timid iyadoo ciidamada Israa’iil ay howlgallo milatari ka wadaan qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, xilli weli uu jiro xabbad-joojin uu Maraykanku dhex-dhexaadiyey.
Maalmihii u dambeeyey, Israa’iil ayaa sidoo kale fulisay duqeymo cirka ah iyo howlgallo dhulka ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo koonfurta Lubnaan ah, waxaana ka mid ahaa hawlgallo laga soo sheegay agagaarka buuraha istiraatiijiga ah ee Ali al-Tahir.
Xaaladda sii cakirmaysa ee koonfurta Lubnaan ayaa muujinaysa caqabadaha horyaalla dadaallada lagu ilaalinayo xabbad-joojinta iyo xasilloonida gobolka.





