Wargeyska Maraykanka ah ee New York Post ayaa baahiyay warbixin baaritaan ah oo ku saabsan halka ay maanta ku nool yihiin iyo waxa ay qabtaan qaar ka mid ah carruurtii madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Janaraal Maxamed Siyaad Barre.
Warbixintu waxay si gaar ah u xustay Ayaanle Maxamed Siyaad Barre iyo walaashii Deeqo, oo lagu sheegay inay ku nool yihiin agagaarka magaalada Columbus ee gobolka Ohio, halkaas oo ay ku badan yihiin Soomaalidu.
New York Post waxay Ayaanle ku tilmaantay inuu xilligii ugu dambeeyay ee dowladdii dhexe ahaa qof aad ugu dhow aabbihii, isla markaana door ku lahaa Madaxtooyadda iyo arrimaha amniga qaranka.
Dhanka ganacsiga, wargeysku wuxuu sheegay in dad lala xiriiriyay qoyska ay ku lug leeyihiin shirkado bixiya adeegyada caafimaadka guryaha, iyadoo mid ka mid ah shirkadahaas lagu sheegay inay heshay ku dhowaad 1.8 milyan oo dollar oo Medicare ah.
Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay xusuusta murugada leh ee qaar ka mid ah Soomaalida Columbus, kuwaas oo sheegay inay qoysaskooda ku waayeen dagaalladii iyo tacaddiyadii loo aaneynayo dowladdii militariga.
Qaar ka mid ah dadkaas ayaa hadda doonaya in hay’adaha Maraykanku si dheeraad ah u eegaan xiriirrada ganacsi iyo dhaqaale ee dadka warbixintu xustay.
Warbixintan New York Post ayaa mar kale dib u kicisay doodda ku saabsan taariikhda Siyaad Barre iyo halka ay maanta ku nool yihiin xubno ka tirsan qoyskiisa.






