https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa on Arrival)

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyey in la dhaqan-geliyey, isla markaana la sii xoojiyey siyaasadda dal-ku-galka furan (Visa on Arrival). Siyaasadani waxay u saamaxaysaa dhammaan dadka u safraya Somaliland in ay dal-ku-galka ku qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo madaarrada kale ee dalka.

Ujeeddada siyaasaddan ayaa ah in la fududeeyo safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha biniโ€™aadminimada, iyo in kor loo qaado koboca dhaqaalaha Somaliland.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxa lagu xusay in aan Somaliland lagu soo geli karin dal-ku-gal (visa) ama oggolaansho ka soo baxday meel ka baxsan Hayโ€™adaha Socdaalka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Somaliland ayaa lagu wargeliyey inay siyaasaddan si buuxda ugu gudbiyaan xafiisyadooda (stations) iyo rakaabka u safraya Somaliland.