https://www.premierbank.so/

Isbahaysi ka kooban shan xisbi oo mucaarad ah oo Itoobiya ayaa dalbaday baadhitaan madax-bannaan oo lagu sameeynayo dilka saddex dhalinyaro ah oo lagu sheegay inuu ka dhacay Abeshige, Gobolka Badhtamaha Itoobiya

Saddexda qof oo lagu kala magacaabo Temesgen Getachew, Yitagesu Asegidew iyo Gizaw Girmaye, ayaa la sheegay in laga dejiyay gaadhi dadweyne, kadibna la dilay iyadoo lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin Fano.

Isbahaysigu wuxuu sheegay in dilalku yihiin dilal ka baxsan sharciga, wuxuuna ku baaqay in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambaysay

Dhanka kale, maamulka gobolka wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku howlgallo ka dhan ah kooxo hubaysan ay ka wadeen deegaanka, balse si cad looma xaqiijin cidda masuulka ka ahayd dilalka.

Isbahaysigu wuxuu sidoo kale ku baaqay in dadka lagu tuhmo dambiyada lagu maxkamadeeyo si waafaqsan sharciga, halkii si sharci-darro ah loo dili lahaa.