https://www.premierbank.so/

Kushner oo Hamas la galay wada-hadallo xasaasi ah si loo soo nooleeyo qorshaha nabadda Gaza

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Jared Kushner, ayaa kulan naadir ah magaalada Qaahira kula yeeshay hoggaamiyeyaal ka tirsan Hamas, si looga wada hadlo qorshaha nabadda ee Gaza.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshe lagu joojinayo colaadda Gaza iyo sidii loo gaadhi lahaa heshiis nabadeed. Wadahadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada Maraykanku ku doonayo in xal siyaasadeed laga gaadho dagaalka Gaza.

Kushner ayaa Masar u tagay iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in la yareeyo xiisadda iyo in dhinacyada dagaallamaya la gaadhsiiyo heshiis.