https://www.premierbank.so/

Somaliland oo Qaramada Midoobay ka dalbatay in la dhowro habraacyada diblomaasiyadeed ee booqashooyinka Laascaanood

Hargeysa โ€” Somaliland ayaa sheegtay inay ka goโ€™an tahay fududeynta gaarsiinta gargaarka baniโ€™aadannimo ee dadka u baahan, oo ay ku jiraan bulshada ku nool magaalada Laascaanood.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa, war-saxaafadeed ay soo saartay, ku adkaysay in booqashooyinka saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ay ku yimaadaan goobaha xasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga iyadoo la raacayo habraacyada diblomaasiyadeed ee jira.

Somaliland waxay sheegtay in booqashooyinka noocaas ah loo baahan yahay in dowladda Somaliland hore loogu sii wargeliyo, lagala tashado, isla markaana si rasmi ah loola isku dubbarido.

Dowladdu waxay sidoo kale tilmaantay inay qiimeyso xiriirka iyo wada-shaqaynta muddada dheer ee kala dhaxaysa Somaliland iyo Qaramada Midoobay, iyadoo sheegtay inay danaynayso in iskaashigaasi uu sii socdo.

Somaliland waxay intaas ku dartay inay filayso in mustaqbalka si buuxda loo ixtiraamo habraacyada diblomaasiyadeed iyo waddooyinka rasmiga ah ee isgaarsiinta.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Baniโ€™aadannimada, George Conway.

Kulanka ayaa, sida lagu sheegay xogta la bixiyay, diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta u dhexaysa dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Somaliland ayaa dhinaceeda ku adkaysanaysa in arrimaha la xiriira goobaha ay u aragto kuwo xasaasi ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo gargaarka, lagu maareeyo wada-tashi iyo habraacyo rasmi ah oo diblomaasiyadeed.