https://www.premierbank.so/

Paul Merson Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guushii Arsenal.

 

Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa aaminsan in ayna Liverpool wali ugu cad-cadayn ku guulaysiga horyaalka inkasta oo ay guul ka gaadheen Arsenal Arbacadii.

Kooxda Klopp ayaa hal dhibic u jirta Man City kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Arsenal Arbacadii iyaga oo haatan dib u furay tartanka horyaalka premier Leageu.

Inkasta oo ay Liverpool hal dhibic u jirto Man City hadana Liverpool ayaa bisha dambe la ciyaari doonta kooxda ay ku xafiiltamayaan horyaalka kulan goโ€™aamin kara horyaalka

Merson oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhiโ€Man City ayaa wali ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League, wali waxba isma badalinโ€.

โ€œLiverpool waa in ay badiso kulanka Man City sababta oo ah wali waxa ay ka dam beeyaan Man City waxana ay aadi doonaan garoonkoodaโ€ayuu sii raaciyay.

โ€œHadii ay Man City badiso kulan walba oo u dhiman isla markaas ay bar-baro la gasho kulanka Liverpool waxa ay ku guulaysan karaan horyaalka premier Leagueโ€.