https://www.premierbank.so/

Budhcad-badeed Soomali ah oo afduubtay Markab shidaal oo Yemen ka baxay

Budhcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab shidaal oo ka baxay xeebaha Yemen, iyadoo weerarrada budhcad-badeednimadu mar kale kusoo badanayaan Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Sida ay sheegtay Associated Press, lix budhcad-badeed hubaysan ayaa qabsaday markabka lagu magacaabo Sibu 1, oo wata calanka Eritrea, meel qiyaastii 252 kiiloomitir bari kaga beegan magaalada Al-Mukalla ee Yemen. Markabka ayaa loo kaxaystay dhanka xeebaha Puntland.

Markabka waxaa saarnaa 20 shaqaale ah, oo u badan Hindi, waxaana sidoo kale ku jiray muwaadiniin u kala dhashay Suuriya, Suudaan iyo Ciraaq.

Tani waa markabkii lixaad ee ganacsi ay budhcad-badeed Soomaali ahi qabsadaan tan iyo bishii Abriil.