https://www.premierbank.so/

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Dardargelinaysa Mashaariicda Horumarineed ee Baanka Adduunku Maalgeliyo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧 ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan saddex-biloodle ah oo ay isugu yimaaddeen Agaasimayaasha Guud iyo Xidhiidhiyeyaasha Wasaaradaha fulinaya Mashaariicda horumarineed ee uu maalgeliyo Baanka Adduunku (World Bank) ee ka socda Somaliland.
Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaaradada Horumarinta Maaliyaddu, gaar ahaan Xafiiskeeda isku xidhka Mashaariicda Portfolio Center of Excellence (PCE), oo ah xafiiska u qaabilsan isku-xidhka iyo kor-joogtaynta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashaariicda, qiimaynta waxqabadkooda, caqabadaha horyaalla iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay waxqabadka iyo natiijooyinka muuqda ee ay mashaariicdani ku soo kordhiyeen bulshada iyo horumarka dalka, iyadoo sidoo kale la falanqeeyey caqabadaha ka jira dhinacyada fulinta, maamulka, isku-duwidda iyo gaadhsiinta natiijooyinka la qorsheeyey.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in mashaariicdu u shaqeeyaan si waafaqsan ujeeddooyinkii iyo qorshayaashii loogu talogalay, isla markaana la xaqiijiyo in khayraadka iyo taageerada horumarineed ee dalka soo gaadhaysa ay si hufan, daah-furan oo wax-ku-ool ah ugu faa’iideeyaan bulshada Somaliland.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu diyaar u tahay inay si dhow u la shaqayso Wasaaraddaha, Hay’addaha Dawladda iyo Xafiisyada Isku-duwidda Mashaariicda, si loo xalliyo caqabadaha jira, loona hubiyo in mashaariicdu ku socdaan qorshayaashii loo dejiyey, isla markaana la gaadho natiijooyinka la filayo.

Dhankiisa. Madaxa Portfolio Center of Excellence (PCE), Mohamed Abdi, ayaa kulanka ka jeediyey warbixin ku saabsan hawlaha xafiiska iyo horumarka laga sameeyey dhinacyada isku-duwidda, dabagalka iyo horumarinta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland.

Wuxuu sidookale si gaar ah u xusay dadaallada joogtada ah ee PCE iyo bangiga aduunka ee ay wada shaqeeyaan, kuwaas oo ay qayb ka yihiin xidhiidhka iyo wada-xaajoodka joogtada ah ee lala yeesho Xafiiska Maamulka Baanka Adduunka, si Somaliland u hesho taageerada iyo maalgelinta horumarineed ee loogu talogalay, loona xaqiijiyo in khayraadkaas si toos ah ugu faa’iideeyo mashaariicda iyo mudnaanta horumarineed ee Somaliland.

Waxa kale oo la soo bandhigay in korodh ku yimid iscticmaalka lacagta ee mashaariicdu qorsheeyeen in ay isticmaalaan. Kulanka ayaa waxa sidoo kale ka hadlay Agaasimayaasha Guud iyo Xidhiidhiyeyaasha Mashaariicda kuwaas oo soo bandhigaan warbixinno ku saabsan heerka ay marayaan mashaariicdu, waxqabadka la gaadhay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha la doonayo in lagu dardargeliyo hawlaha mustaqbalka.

Ka-qaybgalayaashu waxay si weyn u soo dhaweeyeen dadaallada lagu xoojinayo isku-xidhka iyo wada-shaqaynta hay’adaha dawladda, iyagoo tilmaamay in kulamada noocan ahi ay muhiim u yihiin is-dhaafsiga xogta, isla-xisaabtanka, xal-u-helidda caqabadaha iyo xaqiijinta in mashaariicdu gaadhaan natiijooyin la taaban karo.

Waxa kale oo kulanka lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradaha fulinaya mashaariicda, Xafiiska Isku-duwidda Mashaariicda iyo Baanka Adduunka, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha loona kordhiyo saamaynta horumarineed ee mashaariicdu ku leeyihiin bulshada.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo gunaanaday kulanka, isagoo uga mahadceliyey dhammaan Agaasimayaasha Guud, Xidhiidhiyeyaasha Mashaariicda iyo dhinacyada kale ee ka soo qaybgalay sida joogtada ah ee ay uga shaqeeyaan horumarinta mashaariicda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqaynta, dabagalka iyo isku-duwidda mashaariicda, si loo hubiyo in taageerada horumarineed ee la helo ay si hufan ugu beddelanto natiijooyin muuqda oo waara oo ka qayb qaata horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.