Trump oo sheegay inuu $5,000 siin doono muwaadiniinta Maraykanka haddii Jamhuurigu qabsado labada aqal ee Congress-ka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof kasta oo qaangaar ah oo muwaadin Maraykan ah la siin doono $5,000, haddii Xisbiga Jamhuurigu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka doorashooyinka dhexe ee bisha November.
Trump ayaa hadalkan ka jeediyay shirkii ugu horreeyay ee Xisbiga Jamhuuriga uu qabto si loogu diyaar-garoobo doorashooyinka dhexe ee soo socda. Waxa uu taageerayaashiisa ugu baaqay inay si weyn uga qayb qaataan doorashada, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadda xisbiga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boorriyay taageerayaasha Jamhuuriga inay u codeeyaan musharraxiinta xisbiga “sida isaga laftiisa uu codbixinta ugu tartamayo.”
Si kastaba, weli ma cadda halka laga heli doono dhaqaalaha lagu fulinayo ballanqaadka $5,000 ama in qorshaha noocaas ahi uu waafaqsan yahay sharciga Maraykanka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli heerka taageerada dadweyne ee Trump la sheegay inuu hoos u dhacayo, taas oo ka dhigaysa doorashooyinka dhexe kuwo muhiim u ah labada xisbi ee waaweyn ee Maraykanka.
Doorashooyinka Congress-ka Maraykanka ayaa sidoo kale muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington, oo ay ku jiraan xiriirrada ay Maraykanku la leeyihiin Geeska Afrika. Isbeddel ku yimaadda awoodda labada aqal ayaa mustaqbalka saamayn ku yeelan kara jihada siyaasadda Maraykanka ee dhinacyada amniga, ganacsiga iyo diblomaasiyadda gobolka.






