Suudaan oo si adag u beenisay eedaymo Itoobiya uga timid oo ku saabsan taageerada kooxaha hubaysan
Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa si adag u beeniyey eedaymo uga yimid Itoobiya oo ku saabsan in Khartuum ay taageero siiso isbahaysi hubaysan oo doonaya inuu meesha ka saaro dowladda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.
Taliyaha ciidamada Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa Suudaan, Masar iyo dalal kale ku eedeeyey inay hub iyo taageero siinayaan isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin toddoba urur oo hubaysan iyo kuwo siyaasadeed.
Ciidamada Suudaan ayaa eedaymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn, iyagoo Addis Ababa ugu baaqay inay khilaafaadka jira ku wajahdo waddooyinka diblomaasiyadda, kana fogaato hadallada sii hurin kara xiisadda labada dal.
Is-eedayntan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalladu dib uga qarxeen waqooyiga Itoobiya, isla markaana ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in dalkaasi mar kale galo dagaal sokeeye oo ballaadhan.






