Iiraan oo sugaysa jawaab rasmi ah kadib markii Trump diiday soo jeedintii Tehran
Iiraan ayaa sheegtay inay sugayso jawaab rasmi ah oo ka timaadda wada-xaajoodayaasha Maraykanka, kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday soo jeedin ay Tehran ku dalbatay in Marinka Hormuz dib loogu furo maraakiibta ganacsiga muddo toddoba maalmood gudahood ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa qoraal uu ku baahiyey Telegram ku sheegay in Trump uu diiday soo jeedinta, isaga oo sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Maraykanka inuu hore u jeediyey hadallo is khilaafsan.
Trump oo wariyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in soo jeedinta Tehran aysan ahayn mid “la aqbali karo”. Waxa uu sidoo kale sheegay in Maraykanku doonayo heshiis dhigaya in marinka si degdeg ah loo furo, isaga oo ku dooday in Iiraan ay “si aad ah ugu khasaarayso dagaalka”.
Araghchi ayaa Jimcihii, xilli uu ku sugnaa Qaramada Midoobay, wariyeyaasha u sheegay in heshiis la gaari karo haddii labada dhinac ay buuxiyaan “shuruudaha lagama maarmaanka ah”.
Marinka Hormuz ayaa ah marin-biyood muhiim u ah ganacsiga iyo isu-socodka tamarta ee gobolka, waxaana xaaladda ka taagan halkaas ay muhiimad gaar ah u leedahay dhaqaalaha iyo amniga dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Horumarrada ka socda khilaafka Iiraan iyo Maraykanka ayaa sidoo kale si dhow looga danaynayaa Geeska Afrika, maadaama xasilloonida marin-biyoodka gobolka ay saameyn ku yeelan karto ganacsiga iyo isku socodka maraakiibta ee marinnada muhiimka ah ee ku dhow Somaliland.






