https://www.premierbank.so/

Maraykanka iyo Shiinaha oo ku heshiiyey dhimista canshuuraha badeecadaha ganacsiga

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu dejinayo khilaafka ganacsi ee labada dal, kaddib markii ay ku heshiiyeen qaab lagu dhimayo canshuuraha lagu soo rogo badeecooyinka ay kala iibsadaan.

Heshiisku wuxuu khuseeyaa ganacsi qiimihiisu ku dhow yahay 60 bilyan oo doollar, iyadoo dhinac kasta la filayo inuu tixgeliyo dhimista canshuuraha badeecooyin qiimahoodu gaarayo 30 bilyan oo doollar.

Liiska Shiinaha waxaa ku jira 77 nooc oo badeecooyin ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin foornooyinka microwave-ka, qalabka kalluumeysiga, ubaxyada macmalka ah iyo miisaannada.

Dhanka Maraykanka, in ka badan 1,600 badeeco oo loo dhoofiyo Shiinaha ayaa loo aqoonsaday inay mudan yihiin canshuur-dhimis. Badeecooyinkaas waxaa ka mid ah digaagga, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, ukunta, lawska, baastada, yaanyada qasacadaysan, fardaha taranka iyo xariirta.

Saraakiisha labada dal ayaa sheegay in tallaabadani ay fududeyn karto ganacsiga, isla markaana abuuri karto jawi wanaagsan oo lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada beeraha, tamarta, wax-soo-saarka iyo badeecooyinka macaamiisha.

Labada dowladood ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan wada-hadallada, si loo dhamaystiro qaabka dhimista canshuuraha.

Heshiiskan ayaa noqonaya tallaabo cusub oo lagu yareynayo xiisadda ganacsi ee u dhexeysa labada quwadood ee dhaqaale ee dunida, iyadoo labada dhinac ay raadinayaan habab lagu fududeyn karo ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale.