https://www.premierbank.so/

Qaramada Midoobay oo Taageertay Adeegsiga Khariidadda Equal Earth

Qaramada Midoobay ayaa taageertay adeegsiga khariidadda Equal Earth, taas oo si ka sax ah u muujinaysa baaxadda dhabta ah ee qaaradaha, gaar ahaan Afrika.

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa qaraarka ku ansixiyay 164 cod, halka Maraykanku noqday dalka keliya ee diiday, lix dalna ay ka aamuseen.

Equal Earth ayaa loo soo jeediyay inay beddel u noqoto khariidadda Mercator, oo muddo dheer si weyn loo isticmaali jiray, balse si xad-dhaaf ah u weyneysa dhulalka ku dhow cidhifyada Dunida.

Tusaale ahaan, khariidadda Mercator waxay Greenland ka dhigtaa mid muuqaal ahaan u dhow baaxadda Afrika, halka xaqiiqadu tahay in Afrika ay ku dhowaad 14 jeer ka weyn tahay Greenland.

Qaraarka Qaramada Midoobay dalalka kuma khasbayo inay joojiyaan isticmaalka khariidadda Mercator, balse wuxuu dhiirrigelinayaa adeegsiga Equal Earth, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo khariiradaha caalamiga ah.