Kulanka Todobaadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda oo Lagaga Dooday Horumarinta Hawlaha Maaliyadeed
Kulanka todobaadlaha ah ee Waaxaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa sidii caadada ahayd ka qabsoomay hool-ka Shirarka Xarunta-dhexe ee Wasaaradda, waxa kulanka gudoominayey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda 𝐌𝐝. 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐌𝐚𝐰𝐥𝐢𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧, iyadoo ay goob-joog ahaayeen dhamaan agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaraddu.
Ujeeddada kulan-hawleddkan todobaadlaha ah ayaa ah sidii loo xoojin lahaa isku-xidhka hawlaha, isla-xisaabtanka iyo hubinta hufnaanta shaqo ee Wasaaradda.
Qodobada lagaga dooday intii uu kulanku socday ayaa ahaa sidan soo socota:
● Dib-u-eegis lagu sameeyey wixii ka qabsoomay qodobadii iyo go’aamadii lagu kala qaatay kulankii toddobaadkii hore.
● Waxa war-bixin laga dhagaystay Agaasinka Waaxda Miisaaniyadda, isaga oo ka war-bixiyey halka ay marayso hawsha diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda ee kal-danbe {2027}.
● Halka uu marayo Barnaamijka dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladdu
● Halka uu marayo Barnaamijka Is-wada Ee Maaraynta Xogta Maaliyadda Dawladda Ee SLFMIS.
● War-bixinta todobaadlaha ah ee Baadhista-gudaha.
Ugu dambayn, kulanka oo uu soo xidhay Wasiiru-Dawlaha Wasaaraddu waxa lagu soo gabagabeeyey in la dardargaliyo korna loo qaado hufnaanta shaqada, iyada oo cid kasta lagula xisaabtamayo waajibaadka shaqo ee loo igmaday si loo xaqiijiyo yoolalka istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda guud ahaan iyo waliba gaar ahaan sidii loo gaadhi lahaa bartilmaameedyada dakhli inta ka hadhay sanadkan 2026.






