https://www.premierbank.so/

Sheekh Shariif oo Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay bulshada ka marin-habinayso weerarkii Taliye Shub

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay weerarkii lagu qaaday Taliye Shub, isaga oo dowladda ku eedeeyay inay isku dayayso inay bulshada ka qariyo xaqiiqada dhacdada.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa fal aan la aqbali karin, gaar ahaan iyadoo uu sheegay in ujeeddadii laga lahaa duqeynta lagu fashilmay.

Waa ayaan darro in markii lagu fashilmay hadafkii laga lahaa duqeynta wuxuushnimada ahayd ee lagu khaarajin rabay Taliye Shub, la isku dayayo in bulshada la marin habaabiyo si looga dhuunto xilkasnimo darrada ficilkaas gurracan