IOM oo Dalbatay $110 Milyan oo Doollar oo Loogu Diyaargaroobayo Khatarta El-Nino ee Afrika
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka IOM kana mid ah Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa dalbatay lacag ay ku sheegtay in ay ku maareyneyso xaaladaha bani aadamnimo ee ka dhasha Musiibada El-Nino.
Bayaan kasoo baxay waxa ay Hay’addu ku sheegtay in ilaa Febaraayo 2027 lasii saadaalinayo khatarta El-Nino sidaas awgeed loo baahan yahay $110 Milyan oo doollar oo degdeg ah si ay u qaaddo tallaabooyin kahortag ah.
IOM ayaa sheegtay in halista muuqata ay ku wajahan tahay Geeska, Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika oo haddii aan la helin jawaab degdeg ah oo loogu bareeri karo kahortaggeeda ay xaaladdu sii adkayn karto nolosha Dad badan.
Dadka u baahan kaalmadaan lacageed waxa ay Hay’adda IOM ku sheegtay in ay gaarayaan 4.9 Milyan oo ruux isla markaana ay suuragal tahay in tiradu intaas ka badan karto mar haddii uu dib u dhaco kaalmada kahortagga ah.
Marka la dhaho Geeska iyo Bariga Afrika labaduba waxaa soo galaya Dalal ay kamid tahay Soomaaliya sidaas awgeed meelaha ay saamaynta taban ku reebi karto El-Nino qayb ayay ka tahay sida bayaanka IOM ku xusan.





