Meta oo Lagu Ganaaxay $375M Sababo La Xiriira Waxyeellada Carruurta
Shirkadda baraha bulshada ee Meta Platforms ayaa wajahday jug sharciyeed culus kadib markii maxkamad ku taalla New Mexico ay ku amartay inay bixiso $375 milyan, iyadoo lagu helay eedeymo la xidhiidha waxyeello maskaxeed oo soo gaadhay carruurta iyo kor u qaadista khataraha ay la kulmaan online-ka.
Dacwaddan oo socotay lix toddobaad ayaa daaha ka rogtay saameynta qarsoon ee baraha sida Facebook, Instagram iyo WhatsApp ku leeyihiin dhalinyarada gaar ahaan marka ay timaado badbaado iyo caafimaad maskaxeed.
Arrintan ayaa sii xoojinaysa cadaadiska lagu saarayo shirkadaha tiknoolajiyada, si ay u qaataan masuuliyadda waxa ka dhacaya gudaha barahooda.
Ugu danbayn Goโaanka maxkamadda wuxuu fariin adag dirayaa carruurta lama tijaabin karo online kuna ma aha meel aan sharci lahayn.






