Iran oo ku hanjabtay in ay sii xirnaan doonto Marinka Hormuz ilaa Trump iyo Netanyahu xilalka laga tuuro
Mohammad Baqer Zolghadr, oo ah la-taliyaha dhanka siyaasadda ee hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in dalkiisu aanu doonayn in uu furo Marinka Hormuz inta uu Donald Trump xilka hayo.
Bayaan ay Khamiistii daabacday wakaaladda wararka Iran, ayuu Zolghadr ku sheegay: “Ummaddani waxay go’aansatay in ay jabiso geeska cadowga gardarrada wada oo ay dhabarka ka jabiso kuwa kibirka badan.”
Wuxuu intaas ku daray in Marinka Hormuz aan la furi doonin ilaa Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu laga “tuurayo” “kursiga,” isagoo sheegay in arrintani tahay “marxaladda koowaad ee aargoosiga Iran.”
Donald Trump ayaa sii wada hadallada is-khilaafsan ee ku saabsan dagaalka Iran, halka gudaha Iran ay ka taagan tahay kala aragti duwanaansho ku saabsan in dagaalka la sii wado iyo in wadaxaajood lala galo Mareykanka.
Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee siyaasadda dalka, sida Massoud Pezhikian iyo Mohammad Bagher Qalibaf, ayaa ku baaqaya in Maraykanku dib ugu laabto qodobbadii Is-afgaradka Islamabad, iyagoo taas u arka shuruud hordhac ah oo lagu joojin karo dagaalka.
Dhanka kale, xubno ku adag mowqifkooda, oo ay ku jiraan taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka, ayaa taageeraya sii wadidda dagaalka iyo in Marinka Hormuz uu sii xirnaado, iyagoo taas u arka hab wax-ku-ool ah oo cadaadis loogu saarayo Maraykanka iyo Israel.
Dhanka dhaqaalaha, sicir-bararka, cunaqabateynta dhaqaale iyo go’doominta badda ee lagu hayo dekedaha koonfurta Iran ayaa sii adkeeyay xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta dalka. Hoos u dhaca qiimaha Rial-ka Iran marka loo eego lacagaha caalamka ayaa sidoo kale cadaadis dheeraad ah saaray nolosha dadka.






