Sacuudiga oo sheegay inuu fashiliyey gantaal Xuutiyiintu ku soo rideen Riyaad
0 Comments
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in gantaalka la qabtay oo la burburiyay, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ama burbur ah. Dad ku nool Riyaad ayaa sheegay inay maqleen qarax, halka qiiq lagu arkay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.
Sacuudigu wuxuu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu isku dayeen inay weeraraan kaabayaal rayid oo ku yaalla magaalooyin ay ka mid yihiin Yanbu, Taif, Baysh iyo Farasaan, balse weerarradaas la fashiliyey.
Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay sheegteen inay bartilmaameedsadeen goobo xasaasi ah oo Riyaad ku yaalla iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco, hase yeeshee warbaahintu waxay sheegaysaa in sheegashadaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.






