Masar oo Diiradda Saaraysa Xoojinta Ciidamada Militariga Soomaaliya
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso horumarinta iyo xoojinta awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya, si loo dhaqangeliyo iskaashiga dhinaca ciidanka iyo heshiisyadii ay horay u wada galeen Xukuumadaha Qaahira iyo Muqdisho.
Wafdi ka socda Militariga Masar oo soo gaaray magaalada Muqdisho, isla markaana la kulmay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa la wadaagay qorshaha Qaahira ee lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Militariga Soomaaliya.
Taliyaha Taliska Taakulaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen Garabey, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktrinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed, ayaa soo dhaweeyay wafdiga Masar.
Waxa ay dhankooda sheegeen in dhaqangelinta heshiiskaas iyo ballanqaadyada labada dhinac ay door muhiim ah ka qaadanayaan dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo diyaarinayo in uu mas’uuliyadda amniga dalka kala wareego ciidamada AUSSOM.
Masar oo ka mid ah dalalka ku deeqay ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AUSSOM weli Soomaaliya ma aysan keenin ciidamadeeda. Waxaa socda dadaallo lagu soo daabulayo ciidamadaas laga sugayo, si ay qayb uga noqdaan howlgalka AUSSOM ee fasaxa ka haysta Qaramada Midoobay.






