Soomaaliya oo cambaaraysay weerarrada Xuutiyiinta ee lagu eedeeyay inay ka dhaceen Sacuudiga
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarradii iyo isku-daygii weerar ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo Sacuudigu ku eedeeyay Xuutiyiinta inay bartilmaameedsadeen deegaanno ka tirsan Boqortooyada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Muqdisho ay si gaar ah u cambaaraynayso isku-daygii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loogu bartilmaameedsanayay magaalada barakeysan ee Makkah, iyo weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday deegaanno rayid ah oo ku yaalla Sacuudiga.
Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga, oo warsaxaafadeedka lagu xusay in uu hoggaamiyo Khaadimka Labada Masjid ee Barakaysan.
Maalintii shalay, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dagaalyahannada Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan jihada magaalooyinka barakeysan ee Makkah iyo Madiina, iyadoo la sheegay in la soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo ku wajahneyd dhankaas.
Hase yeeshee, Xuutiyiinta ayaa beeniyay eedda Sacuudiga, iyagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo been-abuur ah.
Weerarrada noocan ah ayaa kusoo beegmaya xilli amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab uu weli muhiimad weyn u leeyahay xasilloonida gobolka iyo isu-socodka ganacsiga caalamiga ah. Somaliland, oo ku taalla meel istiraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.






