Xukuumada Somaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay Safarka Xasme Cabdi Barre ee wadanka Qadar.
0 Comments
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad uu ka helay Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa daarran xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa inta uu ku sugan-yahay dalka Qatar waxa uu kullamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa dowladda Qatar, iyada oo booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee ay la leedahay dunida.

