https://www.premierbank.so/

Kenya oo Xaddidaysa Ganacsiyada Yaryar ee Ajaanibta, Muwaadiniintana Mudnaan siinaysa

Dowladda Kenya ayaa maanta bilowday tallaabooyin lagu xakameynayo ganacsatada ajaanibta ah ee ka shaqeeya ganacsiyada yaryar.

Madaxweyne William Ruto ayaa amar ku bixiyay in la xidho qaar ka mid ah ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin ajaanibta, isagoo sheegay in ganacsiyada sida iibka waddooyinka iyo tafaariiqda yaryar loo baahan yahay in mudnaanta la siiyo muwaadiniinta Kenya.

Ruto ayaa amarkan soo saaray 2-dii Sebtembar, xilli uu la hadlayay ganacsatada shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah ee Nairobi.

Dowladdu waxay sidoo kale doonaysaa in la dardargeliyo Hindise Sharciyeedka Local Content Bill ee 2025-ka, kaas oo looga gol leeyahay in la kordhiyo fursadaha ganacsi iyo shaqo ee dadka Kenyaanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, hindise-sharcigaasi weli wuxuu horyaallaa Baarlamaanka Kenya, mana noqon sharci rasmi ah.

Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in ajaanibta buuxisay shuruudaha sharciga, isla markaana haysta rukhsadaha iyo laysannada loo baahan yahay, ay weli xaq u leeyihiin inay dalka ganacsi ka sameystaan.