https://www.premierbank.so/

Itoobiya oo sheegtay in la dhisayo saldhigyo dhaqaale iyo kaabayaal lagu gaadhayo horumar waara

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dalka uu ku jiro dadaal lagu dhisayo saldhigyo dhaqaale, kaabayaal iyo hay’ado siyaasadeed oo taageera koboc waara iyo horumar ballaadhan.

Adeegga Isgaadhsiinta Dowladda Itoobiya (GCS) ayaa sheegay in qorshayaasha horumarineed ee dalka lagu hagayo siyaasadda “Medemer”, iyadoo la doonayo in awoodda qaranka loo adeegsado wax ka qabashada caqabadihii hore iyo abuurista fursado koboc oo waara. 

GCS waxa uu si gaar ah u xusay mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jirto Mashruuca Garoonka Caalamiga ah ee Bishoftu, kaas oo ay fulinayso Ethiopian Airlines. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in la ballaarinayo goobaha dalxiiska ee jira iyo kuwa cusub.

Dhanka beeraha, Itoobiya waxay sheegtay inay dadaal ugu jirto in wax-soo-saarka laga yareeyo ku-tiirsanaanta roobka, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu kordhinayo shaqo-abuurka miyiga iyo magaalooyinka.

Dowladdu waxay sidoo kale xoogga saaraysaa ballaarinta ilaha tamarta la cusboonaysiin karo, oo ay ka mid yihiin korontada biyaha, dabaysha, qorraxda, tamarta dhulka hoostiisa iyo tamarta nukliyeerka

Sidoo kale, GCS ayaa tilmaamay in dib-u-habayn lagu samaynayo magaalooyinka, lana kordhinayo kaabayaasha isku-xidhan iyo awoodda gaadiidka iyo saadka. Sida ay dowladdu sheegtay, tallaabooyinkani waxay Itoobiya ka caawinayaan inay xoojiso doorkeeda xarun tamareed oo gobolka ah, isla markaana si wanaagsan looga faa’iidaysto khayraadka macdanta.

Dhanka siyaasadda, dowladda Itoobiya waxay sheegtay in ka-qaybgalka dadweynaha ee doorashadii guud ee toddobaad, barnaamijka Green Legacy Initiative, iyo hannaanka Wadahadalka Qaranka ay muujinayaan dadaal lagu xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed. 

GCS ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay aasaas u ah qorshaha Itoobiya ee ku wajahan horumar dhaqaale oo dhinacyo badan leh, casriyeynta kaabayaasha gaadiidka iyo tamarta, iyo kobcinta awoodda wax-soo-saarka dalka.

Horumarka kaabayaasha iyo dhaqaalaha Itoobiya wuxuu sidoo kale muhiim u yahay Geeska Afrika, maadaama koboca dhaqaale, gaadiidka iyo isku-xidhka gobolka ay saamayn ku yeelan karaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee dalalka deriska ah, oo ay Somaliland qayb muhiim ah ka tahay.