https://www.premierbank.so/

Iiraan oo qorshaynaysa aag mamnuuc ah oo badeed agagaarka Hormuz, xiisadda Maraykankana sii kordhaysa

 Iiraan ayaa qorshaynaysa inay ku dhawaaqdo aag badeed oo mamnuuc ah (maritime exclusion zone) oo laga hirgeliyo agagaarka marin-biyoodka Hormuz, taas oo lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ay Tehran aaminsan tahay inay isku dayayaan inay maraan marin-biyoodka istaraatiijiga ah.

Telefishanka dowladda Iiraan ayaa Axaddii soo xigtay Mohsen Rezaei, oo dhawaan loo magacaabay madaxa Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, isagoo sheegay in aagga cusub si rasmi ah loo shaacin doono maalmaha ama toddobaadyada soo socda. Qorshahan ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada Maraykanku duqeeyeen saddex markab oo shidaal oo Iiraani ah.

Rezaei wuxuu sheegay in aagga xayiraaddu ka bilaaban doono meel u dhow halka ay ku taallo xannibaadda ciidamada badda Maraykanka, isla markaana uu mari doono gudaha marin-biyoodka Hormuz ilaa Gacanka Carabta.

Wuxuu sidoo kale digniin u diray maraakiibta gelaysa aaggaas, isagoo sheegay in kuwa lagu tuhmo inay doonayaan inay ka gudbaan Hormuz lagu aqoonsan karo, laguna dari karo liiska cunaqabataynta Iiraan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa jawaab ay Tehran kaga falcelinayso xannibaadda badeed ee Maraykanka iyo cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo dhoofinta shidaalka Iiraan. Ciidamada Maraykanku waxay sheegeen in in ka badan 20 markab dagaal ay taageerayaan xannibaadda, taas oo ilaa Axaddii sababtay in 92 markab ganacsi dib loo leexiyo, halka saddex kalena la naafoobay.

Xiisadda ayaa si gaar ah u saamaynaysa maraakiibta ganacsiga iyo isu-socodka tamarta, maadaama marin-biyoodka Hormuz uu yahay mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee dunida looga kala qaado shidaalka. Sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Maraykanka Chris Wright, qiyaastii 9 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii ayaa weli mara marin-biyoodka, inkastoo socdaalkaasi ku tiirsan yahay ilaalinta ciidamada badda Maraykanka.

Dhanka kale, Iiraan ayaa sheegtay inay weerartay markab Maraykan ah oo aan duuliye lahayn oo isku dayayey inuu galo Hormuz, balse ciidamada Maraykanku waxay sheegashadaas ku tilmaameen “been buuxda.”

Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ayaa dib u xoogaystay toddobaadkan kadib muddo ku dhow bil oo xasillooni ah. Dagaalka hadda socda wuxuu bilowday 28-kii Febraayo, kaddib weerarro ay Maraykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen Iiraan.

Rezaei ayaa sidoo kale sheegay in Tehran ay hadda doonayso in dadaallada diblomaasiyadeed lagu saleeyo dammaanado cad, kaddib markii is-afgaradkii Maraykanka iyo Iiraan ee la saxeexay bartamihii Juun uu burburay. Wuxuu sheegay in Iiraan ay hore ugu kalsoonayd dhex-dhexaadiyeyaasha Pakistan, Qatar iyo Cumaan, balse hadda ay doonayso “diblomaasiyad leh dammaanado.”

Xaaladda sii xumaanaysa ee Hormuz ayaa sidoo kale walaac ku abuurtay suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamka. Khalkhal ku yimaadda marin-biyoodkan wuxuu saamayn ku yeelan karaa qiimaha shidaalka iyo silsiladaha sahayda ee caalamka, iyadoo dalalka ku dhow gobolka Gacanka iyo waddamada ku tiirsan ganacsiga badda ay si dhow ula socdaan xaaladda.