Duulimaadyada Khaliijka iyo Indonesia oo Hakad iyo Dib-u-dhac Wajahaya Kadib Qaraxa Anak Krakatau
0 Comments
Duulimaadyada u dhexeeya dalalka Khaliijka iyo Indonesia ayaa wajahaya dib-u-dhac iyo baaqasho, kadib markii dambas ka dhashay foolkaanaha Anak Krakatau uu sababay in si ku-meel-gaadh ah loo xidho garoonka caalamiga ah ee Soekarno-Hatta ee Jakarta.
toddoba garoon diyaaradeed oo Indonesia ku yaalla ayaa maanta xidhan, halka in ka badan 2,300 oo duulimaad la baajiyay, dibna loo dhigay, taasoo saameysay in ka badan 270 kun oo rakaab ah.
Shirkadaha Emirates, Etihad iyo Qatar Airways ayaa rakaabka kula taliyay inay hubiyaan xaaladda duulimaadkooda ka hor inta aysan tagin garoonka.
Dhinaca kale Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in aan weli la ogeyn xilliga duulimaadyadu si buuxda ugu soo laabanayaan caadigoodii.






