https://www.premierbank.so/

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan oo Madaxda Muslimiinta ugu Baaqay Midnimo ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa ugu baaqay madaxda dalalka Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe iyo dalalka Khaliijka, inay aqoonsadaan waxa uu ku tilmaamay “cadowga dhabta ah”, isaga oo Maraykanka iyo Israa’iil ku eedeeyay inay yihiin cadowga mideynta dunida Islaamka.

Khamenei ayaa farriin uu soo saaray munaasabadda Toddobaadka Midnimada Islaamka ku sheegay in madaxda dalalka Muslimiintu ay tahay inay fahmaan qorshayaasha waxa uu ugu yeedhay cadowgooda, isla markaana ay ka hortagaan.

Waxa uu sheegay in midnimada Muslimiintu ay muhiim u tahay sidii loo gaadhi lahaa waxa uu ku tilmaamay “ilbaxnimo Islaami ah oo awood badan.”

Khamenei ayaa sidoo kale ku andacooday in Maraykanka iyo Israa’iil aysan cadow ku ahayn Iiraan oo keliya, balse ay yihiin cadowga dhammaan dunida Islaamka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sare u kacday, kadib weerarro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan, kuwaas oo Tehran ay kaga jawaabtay weerarro ka dhan ah dalal gobolka ah oo ay ku sugan yihiin ciidamo iyo xarumo Maraykan ah.

Labada dhinac ayaa markii dambe gaadhay xabbad-joojin, balse heshiisyadii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda ayaa burburay, waxaana mar kale dhacay iska horimaadyo socday ku dhowaad laba toddobaad.

Xiisadda ayaa hadda sii kordhinaysa walaaca laga qabo in khilaafka Iiraan, Maraykanka iyo Israa’iil uu saameyn ballaadhan ku yeesho amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe.