https://www.premierbank.so/

“Waan Fashilmay”:- Ancelotti Oo Kashifay Khaladkii Uu Sameeyay Ee Bur-Burisay Kooxdiisa Kulankii El Clasico.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu xiddiga Luka Modric ka ciyaarsiiyay Weeraryahanka beenta ah kulankii El Clasico isaga oo si weyn ugu fashilmay qorshahaas.

“Waxa aan doonaynay in aan kubada haysano in badan iyada oo Modric ka ciyaarayo weerarka laakiin may shaqayn”Ancelotti ayaa yidhi ciyaarta kadib.

“Barcelona ayaa naga fiicnayd”ayuu tababaruhu sii raaciyay.

“Aniga ayaa iska lahaa khaladka, waan raali galinaaa taageerayaasha, wax walba oo aan damacsanaa ma shaqayn”.

“Si fiican uma qorshayn kulanka, waxa aan khasaarinay kulan muhiim ah sidaas darteed aad ayaan uga xumahay”.

https://www.premierbank.so/