Israaโiil oo Ballaadhisay Howlgallada Dhulka ee Lubnaan, Xoojisay Amniga Xuduudaha Waqooyi
Dowladda Israaโiil ayaa shaacisay in ciidamadeeda dhulka ay ballaadhinayaan howlgallada ay ka wadaan gudaha Lubnaan, iyagoo qorsheynaya in ay la wareegaan goobo istiraatiiji ah oo ay u arkaan kuwo khatar amni ku ah.
Wasiirka Gaashaandhigga, Israel Katz, ayaa sheegay in goโaankan uu si wadajir ah ula qaatay Raโiisul Wasaare, Benjamin Netanyahu, si loo xoojiyo amniga bulshooyinka ku nool xuduudaha waqooyi.
Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada Israaโiil waxay sii wadi doonaan weerarro ay ku beegsanayaan fariisimaha ururka Hezbollah ee gudaha Lubnaan, iyagoo ku tilmaamay tallaabadan mid looga hortagayo weerarro ka dhan ah Israaโiil.
Dhanka kale, Israaโiil waxay adkaysay in mudnaanta koowaad ay siinayso badbaadinta dadka ku nool gobolka Galilee, iyadoo sheegtay in amniga xuduudaha uu yahay waajib aan laga laaban doonin.






