https://www.premierbank.so/

Waa Sidee Gool-Dhalinta Champions League Kadib Dhamaadkii Wareega 16-ka.

 

Tartanka champions League ayaa meel xiiso leh maraya xilli la soo afjaray wareega 16-ka ee tartanka kadib kulamo xiiso leh oo la ciyaaray bishan lagu jiro.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowki oo saddexley dhaliyay todobaadkii hore ayaa hogaanka u qabtay gool dhalinta tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Ajax ee Sebastien Haller kaas oo dhaliyay 11 gool ilaa haatan tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Karim Benzema oo dhankiisa saddexley dhaliyay kulankii ay Los Blancos garaacday PSG ayaa isaguna noqday xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan isaga oo la goolal ah xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kuwaas oo wada leh 8 gool.

Waxa ku jira kaalinta 5-aad xiddiga kooxda RB Leipzig Christopher Nkunku kaas oo dhaliyay 7 gool tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Robert Lewandowki: (Bayern Munich) 12 Gool

Sebastien Haller: (Ajax) 11

Karim Benzema: (Real Madrid) 8

Mohamed Salah: (Liverpool) 8

Christopher Nkunku: (RB Leipzig) 7

 

 

https://www.premierbank.so/