https://www.premierbank.so/

Real Madrid & Barcelona Oo Maaliyado Aan Looga Baran Ku Dheeli Doona Kulanka El Clasico Ee Axada & Sababta Ka Danbeysa.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa jabin doona dhaqankooda iyagoo xiran doona maaliyado gaar ah kulanka El Clasico ee Axada.

Kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu waxay ku soo dhaweyn doontaa Barcelona laakiin kuma ciyaari doonto maaliyadeedii cadaanka aheyd inkastoo ay yihiin kooxda martida loo yahay.

Los Blancos ayaa ku dheeli doonta maaliyad wada madow ah iyagoo u dabaaldegaya sannadguuradii 120aad ee markii la aas-aasay kooxda.

Xilli ciyaareedkii 2014-15, nashaqadeeyaha reer Japan Yohji Yamamoto ayaa sameeyay maaliyad seddexaad oo wada madow ah.

Sideed sannadood ka dib, Yamamoto ayaa mar kale Real Madrid u nashaqadeeyay maaliyad afaraad oo wada madow ah oo ay ku dheeli doonaan habeenka Axada.

Inkastoo shirkada Adidas ay maaliydaha u sameyso Real Madrid hadana caalamada Adidas laguma arki doono maaliyadaan madow, waxaa booskeeda galaya caalamada shirkada Y-3, inkastoo seddexda xariiqmood ee cad ee Adidas ay ka soo muuqanayaan garbaha.

 

 

Barcelona ayaa iyadana dhankeeda dooratay inaysan ku dheelin midabada lagu yaqaano ee casaanka iyo buluuga. Sida uu sheegay joornaaliiste Gerard Romero, madaxweynaha Blaugrana Joan Laporta ayaa codsaday in Barca ay xirato maaliyada ka sameysan calanka gobolka Catalania ee Senyera oo ay sameysteen sannadkii 2019kii.

 

https://www.premierbank.so/