https://www.premierbank.so/

RASMI: Xavi Oo Shaaciyay 11ka Xiddig Ee Uu Kala Hortagayo Caawa Galatasaray & Xiddigo Muhiim Ah Oo Ku Soo Bilowday

Tababaraha kooxda FC Barcelona Xavi Hernandez ayaa shaxdiisa uu ku wajahayo kooxda Galatasaray ku soo daray xiddiga cadaadiska uu saaran yahay ee Eric Garcia.

Iyadoo sidoo kale uu maqan yahay Dani Alves oo aan ku jirin liiska xiddigaha Barcelona ee Europa League, daafaca kooxda ayaa ka koobanm Dest, Pique, Garcia iyo Jordi Alba.

Xavi ayaa khadkiisa dhexe ku soo bilaabay Pedri iyo Frenkie De Jong oo ka garab ciyaaraya waayo araga Sergio Busquets.

Dhanka weerarka Aubameyang ayaa ka dhameystiraya seddexda weeraryahan ee lagu soo bilaabay kulanka caawa iyadoo sidoo kale la soo safay Ferran Torres iyo Adama Traore.

Shaxda Barcelona ay caawa kala hortageyso Galatasaray oo dhameystiran: ter Stegen; Dest, Pique, Eric Garcia, Alba; Frenkie, Busquets, Pedri; Ferran Torres, Aubameyang, Adama Traore .

Barca oo ka mid aheyd kooxaha ugu cadcad Europa League sannadkan ayaa barbaro goolal la’aan ah waxay garoonkeeda kula soo gashay Galasataray lugtii hore ee wareega 16ka.

Caawa waxay joogaan Istanbul iyagoo wajahaya taageerayaasha laga argagaxo ee Galatasaray, waxayna rajo ka qabaan inay qeyb ka noqdaan isku aadka wareega 8da Europa League ee Jimcaha.

Kulamada kale ee Europa League ee caawa la ciyaarayao waxaa ka mid ah:

Bayer Leverkusen vs Atalanta

Red Star Belgrade vs Rangers

Monaco vs SC Braga

Frankfurt vs Real Betis

Lyon vs FC Porto

West Ham vs Sevilla

Kooxda RB Leipzig durbaba waa ay u soo baxday wareega 8da Europa League madaama kooxdii Ruushka ee ay la ciyaari laheyd laga mamnuucay tartanka.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/