https://www.premierbank.so/

Liverpool Oo Emireates Ku Dubatay Arsenal & Hogaanka Man City Ee Premier League Oo HAL Dhibic Noqday.

 

Liverpool ayaa hogaankii Premier League ee Manchester City ka soo dhigtay kaliya hal dhibic ka dib markii ay 2-0 ku dubteen caawa kooxda Arsenal oo marti loogu ahaa Emirates Stadium.

Mikel Arteta ayaa ku guuldareystay inuu u hiiliyo macalinkiisii Guardiola iyadoo Liverpool ay kor u qaaday hamigeeda hanashada horyaalka madaama ay hal dhibic kaliya ka hooseeyaan Man City oo ay balansan yihiin bilowga bisha April iyadoo horyaalka ay sagaal kulan kaliya ka hartay.

Goolal ay qeybtii labaad kala dhaliyeen Diogo Jota iyo Bobby Firmino ayay Liverpool ku dubatay Arsenal oo si fiican u dheeshay qeybtii hore ee ciyaarta balse khibrad iyo tayo lagu dilay qeybtii labaad.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay aheyd mid xiiso iyo xamaasad badan. Arsenal ayay niyadjab ku aheyd inaysan ka faa’ideysanin kubadii wacneyd ee ay soo bandhigeen iyadoo boos qaadashadooda weerarka ay aheyd mid liita.

Dhanka Liverpool waxay ku faraxsanaayeen in barbardhac goolal la’aan ah lagu kala nastay ka dib 45 daqiiqo oo adag oo soo martay.

Bilowgii qeybta labaad Sadio Mane ayaa shabaqa soo taabtay laakiin goolkiisa waa la diiday madaama uu offside ahaa laakiin Arsenal ayaa dardarteeda halkeeda ka sii waday iyagoo cadaadis xun saarayay Liverpool.

Daqiiqadii 52aad Arsenal waxaa soo martay fursad dahabi aheyd markii baas uu Thiago Alcantara u celiyay goolhaye Alisson uu dhex ka qabtay Alexandre Lacazette laakiin weeraryahanka Faransiiska ayaa ku guuldareystay inuu durbadiiba kubada shabaqa cusjiyo isagoo kubada u dhigay Odegaard laakiin goolhaye Alisson ayaa bixiyay kubadii Odegaard ee goolka ku bartilmaameysneyd.

Daqiiqadii 54aad Liverpool ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii Diogo Jota uu kubad xagal aheyd dhinac dhigay goolhaye Ramsdale oo awoodi waayay inuu bixiyo.

Markii uu dabaaldega goolka dhamaaday tababare Klopp ayaa sameeyay labo bedel isagoo soo geliyay Mohamed Salah iyo Roberto Firmino kuwaasoo bedelay xiddigii goolka dhaliyay Diogo Jota iyo saxiixa cusub Luis Diaz.

Klopp ayaa ku faa’iday bedelkii uu sameeyay madaama Liverpool ay heshay goolkii labaad ee ciyaarta oo uu shabaqa cusjiyay Roberto Firmino. Kubad uu garabka bidix ka soo dhigay Robertson ayaa waxaa si sahlan goolhaye Ramsdale ku dabamariyay Bobby Firmino.

Liverpool ayaa la wareegtay ciyaarta qeybtii labaad iyagoo baray Arsenal cashar qaali ah oo ah inay ka faa’ideystaan marka ay fursad helaan.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Liverpool ku dubatay Arsenal iyagoo xiiso u yeelay tartanka horyaalka.

 

 

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/