https://www.premierbank.so/

Ciyaarihii Xalay ee Champion-leageu 20/02/2019

Kooxaha Liverpool iyo Bayer Munikh ayaa foodda isku daray ciyaar qayb ka ahayd wareegga 16 ka ee koobka Champoion league, Lyon iyo Barcelona ayaa iyaguna dhankooda isku arkay ciyaar isla wareeggan ka mid ahayd.

Aynu ku horreyno ciyaarta sida gaarka ah loo xiiseynayey ee Liverpool iyo Bayer Munikh ee.

Waxa uu ahaa kulan xamaasaddii uu ku bilowday la dhammaaday oo ay labada dhinacba soo bandhigeen kubbad ay taageerayaashu u riyaaqeen.

Inkasta oo kooxda Liverpool ee garoonkeeda lagu ciyaarayey ay qaybta koowaad ee ciyaarta dardar la soo gashay, isku dayo taraabuunku u istaagayna marar badan ku sigeen gool Bayer Munikh, haddana nasiibku lama uu jirin.

Kooxda Bayer Munikh qudheedu uma ay yaraysan.

dad badan ayaanay cajabisay kubadda ay garoonka la yimaaddeen, laakiin taasi ma’ay asturin sida looga gacan sarreeyo.

Walow cidda u doodaysaa ay sheegi karto in kooxdu qaybtii koowaad ee ciyaarta, ay hayshada kubadda kaga wanaagsanayd Bayer Munikh.

Qaybtii koowaad ee ciyaartu waxa ay ku dhammaatay labada kooxood oo tahli waayey in ay goolal kala dhaliyaan.

Mar kale ayaa ay qaybtii dambe ee ciyaarta isugu yimaaddeen iyada oo mid kasta ciyaarteeda laga dheehanayo dardaarankii macallinkeeda.

Laakiin, isku dayo badan oo ay sameeyeen uma ay suurtagelin in midkoodna kubadda taabsiiyo shabagga midka kale.

Ugu dambayntii waxaa lagu kala hoyday barbar dhac, iyo ballanta ah in lugta labaad la isugu iman doono garoonka Allianz Arena ee kooxda Bayer Munich.

Dhinaca kale kooxda Barcelona ayaa dhaafi weyday kooxda Lyon oo samaysay geesinimo ay gool ugu diidday kooxda Barcelona .

Barca ayaa ku fashilantay in ay guul ka garaan lugta koowaad ee wareega 16-ka, in kasta oo aanay rajo beelin maadaama oo lugta labaad garoonkooda lagu ciyaari doono, waxa se run ah in guul kasta oo ay fishaan ay ku xidhan tahay sida ay uga gudbaan khatarta ciyaaryahannada reer Camnou, taas oo rejo weyn gelinaysa kooxda Lyon.