https://www.premierbank.so/

Shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka furmay Muqdisho

Muqdisho (CBATV) – Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa salaasada 1-da oktober si rasmi ah u furay shirka loogu magacdaray Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada  Muqdisho.

Shirka
oo socon doona laba cisho waxaa ka qaybgelaya wakiillo ka kala socda in ka
badan 50 dal oo adduunka ah, safiirro iyo shirkado ganacsi oo caalamiya, sida
ay dawladda Soomaaliya sheegtay arrimaha lagaga hadlayo waxaa ka mid ah
siyaasadda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya.

Raysalwasaare
ku xigeenka Soomaaliay ayaa hadal uu ka jeediyey furitaanka shirka waxa uu
wakiillada caalamka ee shirka ka qaybgalay u sheegay in dawladda federaalka
Soomaaliya ay wax ka qabatay arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo la dagaallanka
musuqmaasuqa, isla markaana ay abuurtay sharciyo muhiim.

Xukuumadda
Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay dhammaystirka adeegyada lagama
maarmaanka u ahaa in Soomaaliya ay shirkaas martigeliso taasina ay tahay
sababta suurtagelisay in shirka sannadkan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Furitaanka
shirkan waxaa iyaguna khudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiin sare,
safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya.

Laakiin shirkan kama ay qaybgelin madaxda dawladgobaleedyada
Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland, waxaana la aaminsan yahay in shirkaas ay
uga maqan yihiin sababta xidhiidhka ka dhexeeya dawladda federaalka oo aan
fiicnayn muddooyinkii u dambeeyey.

https://www.premierbank.so/