Haweenay xirfad mucjiso ah oo kubadda cagta ah soo bandhigtay ayaa indhaha dunida soo jiitay
Haweenay lagu tilmaamay boqoradda kubadda dhagi-dhagida ee Afrika ayaa dhoolla tus aad u qurux badan oo ay samaysay uu soo jiitay indhaha adduunka.
Muuqaal laga arkayo Hadhara Charle oo kubadda ku ciyaarsinaysa lugta, madaxa iyo qaybaha jidhkeeda, iyada oo aanay mar keliya dhulka ka taabanayn, ayaa noqday muuqaalkii dhinaca ciyaaraha ugu xiisaha badnaa ee saacadihii u dambeeyey dadka adduunku isku dhaafsanayeen baraha bulshada.
Hadhara oo 29 jir ah ayaa hibadeedan ay dunida kaga yaabisay waxa ay kula soo wareegaysaa dalal badan oo Afrika ka mid ah, si ay lacag uga qaado dadka isugu soo baxa in ay daawadaan.
Dalalka Koonfur Afrika, Gaboon, Kamaruun, Malaawi, Musambiik, Kenya iyo Itoobiya oo ay martay ayaa qof kasta oo ka mid ah dadka daawanaya ciyaar 2 daqiiqo ay ku soo bandhigayso hibadeeda waxa ay ka qaadaysay 4 doolar.
Haweenaydan yaabka leh ayaa sheegtay in ay aad u taageerto ciyaaryahanno ka kala tirsan kooxo kala duwan oo kubadda cagta ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Messi, C. Ronaldo iyo xiddigii Ronaldinho.
Dad badan oo daawaday ciyaarta gabadhan oo reer Tansaaniya ah ayaa ku dooday in waxa ay arkeen aanu ahayn ciyaar qof caadi ahi samaynayo, waxa aanay aamineen in gabadhani ay adeegsanayso nooc sixirka ka mid ah. Laakiin Hardhera oo arrintaas wax laga weydiiyey waxa ay ku jawaabtay,
“Dadka qaar ayaa u maleeya in aan sixir isticmaalo, laakiin ma’ isticmaalo .. waxba kubadda kuma dhex jiraa. Waxa aan isticmaalayaa xirfadda aan hibada u leeyahay, oo aan horumarinayey kuna tababaranayey muddo lix sano ah. Waa hibo keliya, ee sixir ma’aha”
Fiidhyowga muujinayey ciyaarha Hadhera Charles oo baraha bulshada la soo dhigay ayaa waxaa saacadihii u horreeyeyba la daawaday sagaal milyan oo jeer.
Madaxweyne Trump ayaa isaguna muuqaalkan oo uu dusha kaga qoray, ‘Amazing’ Cajiib, waxa uu la wadaagay dadka 58 ka milyan ka badan ee barta twitter ka kala socda.
Sida oo kale dad tiro badan oo kuwa dunida ugu caansan ka mid ah ayaa barahooda bulshada soo dhigay muuqaalka gabadhan ee amaakagga abuuray.
Inkasta oo ay qaabkan Hardhar dad badan oo kale hore u sameeyeen, haddana waxaa la isku waafaqsan yahay in ay iyadu bara dheeraysay xitaa ninkii caanka ku ahaa ciyaarta noocan ah ee lagu matgacaabi jiray Ausmane Dembele, oo sannadkii 2017 ka aad u soo shaac baxay.