Puntland oo Howlgal Ku Soo Furtay Markab ay Burcad-badeeddu Ku Haysteen Xeebaha Bari
Maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal qorshaysan oo ka dhan ahaa kooxo burcad-badeed Soomaali ah lagu soo furtay markabka MTT-SIBU1, kaas oo kooxahaasi ay ku haysteen xeebaha maamulka Puntland.
Howlgalka ayaa sababay dhimashada hal qof oo ka tirsanaa kooxaha burcad-badeedda, halka shan kale ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 14 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxaha burcad-badeedda.
Puntland waxay sheegtay in markabka MTT-SIBU1, oo ku socda calanka Eritrea, ay kooxaha burcad-badeeddu qabsadeen 20-kii August 2026. Sida ay sheegtay Puntland, markabka ayaa muddo lagu haystay xeebaha Gobolka Bari, waxaana kooxaha afduubay ay markii dambe u jiheeyeen dhanka Gobolka Mudug, halkaas oo lagu qaaday howlgalka lagu soo furtay.
Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa ugu dambayn laga soo saaray gacanta kooxaha burcad-badeedda, iyadoo howlgalka lagu soo qabtay xubno kamid ah kooxihii lagu eedeeyay afduubka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dib u soo cusboonaadeen weerarrada iyo afduubyada ay kooxaha burcad-badeedda Soomaalidu ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha gobolka.
Puntland ayaa sidoo kale horey u sheegtay inay awood u adeegsatay soo furashada markab laga leeyahay Turkiga, kaas oo sida qalab militari loogu waday saldhigga ciidamada Turkiga ee Muqdisho.






