ILO iyo UNHCR oo Itoobiya ku xoojinaya iskaashiga shaqo-abuurka iyo isku-darka qaxootiga bulshada
Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa 25-ka Sebtembar 2026 ku heshiiyey in ay Itoobiya ku xoojiyaan iskaashigooda, si loo kordhiyo fursadaha shaqo ee habboon, xirfadaha iyo nolol-maalmeedka waara ee qaxootiga iyo bulshada martida loo yahay.
Labada hay’adood ayaa saxeexay Supplementary Understanding, oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada shaqo-abuurka, xirfadaha suuqa looga baahan yahay, helitaanka suuqyada, ka-qaybgalka dhijitaalka ah iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.
Iskaashigan wuxuu sidoo kale qayb ka yahay PROSPECTS Partnership, oo la bilaabay 2019, laguna taageero dadka barakacay iyo bulshooyinka martida loo yahay dhinacyada waxbarashada, ilaalinta bulshada iyo shaqooyinka habboon. Barnaamijkan waxaa maalgelisa Dowladda Netherlands, waxaana iska kaashanaya UNHCR, ILO, UNICEF, IFC iyo Bangiga Adduunka.
Wakiilka UNHCR ee Itoobiya, Aissatou M. Ndiaye, ayaa sheegtay in ilaalinta qaxootigu aysan ku koobnaan karin badbaado oo keliya, balse ay muhiim tahay in dadka la siiyo fursado shaqo iyo nolol-maalmeed waara.
“Protection must go beyond safety. Without access to decent work and livelihoods, people cannot fully realize their potential,” ayay tidhi Ndiaye.
Dhankiisa, Agaasimaha ILO ee Xafiiska Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, Khumbula Ndaba, ayaa sheegay in horumarka Itoobiya ka samaysay isku-darka qaxootiga bulshada uu saldhig u noqon karo in la ballaariyo fursadaha shaqo, horumarinta xirfadaha iyo ka-qaybgalka dhaqaalaha deegaanka.
Iskaashiga cusub wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa tababarrada ganacsiga, waxbarashada maaliyadeed iyo kobcinta xirfadaha farsamada iyo shaqooyinka la jaanqaadaya baahida suuqa.
ILO iyo UNHCR waxay hore uga hirgeliyeen Itoobiya mashaariic ay ka mid yihiin daraasad ku saabsan in qaxootiga lagu daro nidaamka caymiska caafimaadka bulshada, Kebribeyah Inclusion Roadmap, iyo xarun tababar farsamo oo bixisa xirfado la aqoonsan yahay oo suuqa shaqada looga baahan yahay.
Sida ay ILO sheegtay, tan iyo markii PROSPECTS Partnership laga bilaabay Itoobiya, mashaariicda wadajirka ah ee ILO iyo UNHCR waxay adeegyo dhaqan-dhaqaale gaadhsiiyeen in ka badan 524,000 qaxooti iyo xubno ka tirsan bulshooyinka martida loo yahay.
Iskaashigan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo isku-darka dadka barakacay iyo bulshooyinka martida loo yahay, iyadoo diiradda la saarayo shaqooyin waara, xirfado iyo fursado dhaqaale oo loo siman yahay.






