Guddida Tamarta Somaliland oo Burisay Korodhka Qiimaha Korontada ee Shirkaduhu Ku Dhawaaqeen
Guddida Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa si toos ah uga hor timid go’aankii ay shalay si wadajir ah ugu dhawaaqeen shirkadaha korontada Somaliland, kaas oo lagu kordhiyey qiimaha korantada dalka.
Guddidu waxay sheegtay in go’aanka shirkadaha korontadu uu baal marsan yahay go’aankii Madaxweynaha Somaliland, sidaas darteedna ay burisay qiimaha cusub ee ay shirkaduhu si wadajir ah u jaan-gooyeen.
Qoraal kasoo baxay Guddida Nidaaminta Tamarta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha korontada ee SEA aanu haysan sharci uu ku saleeyo go’aanka lagu kordhiyey qiimaha korantada.
Guddidu waxay intaa ku dartay in arrinta ururkaas loo gudbiyey Xeer-ilaalinta Somaliland, si loo qaado tallaabada sharci ee ku habboon, maadaama ay sheegtay in ururku aanu haysan sharciyad u oggolaanaysa inuu go’aanno noocaas ah qaato.






