Xuutiyiinta oo Weeraray Koonfurta Sacuudiga: 73 Qof oo Dhaawacmay, Xarumo Tamareedna Dabka Qabsaday
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay weerarro ku qaadeen goobo rayid iyo xarumo dhaqaale oo ku yaalla koonfurta dalka, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 73 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur
Weerarradu waxay saameeyeen magaalooyinka Abha, Khamis Mushait, Jazan iyo Najran, sida uu sheegay afhayeenka isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ee ka hawlgala Yemen, Major General Turki Al-Maliki.
Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in dhowr xarumood oo ka tirsan waaxda tamarta la beegsaday, iyadoo dab ka kacay goobo kala duwan uu sababay in si ku-meel-gaadh ah loo hakiyo hawlgallada qaar. Kooxo gurmad iyo dab-damis ah ayaa loo diray goobaha ay waxyeelladu gaadhay si ay u xakameeyaan dabka, u sugaan xarumaha, una qiimeeyaan khasaaraha.
Dhanka kale, dagaallada gudaha Yemen ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ay wadaan weerarro ay doonayaan inay dhul ka qabsadaan Xuutiyiinta, taas oo sii kordhisay xiisadda u dhexeysa labada dhinac.
Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay weerarrada, iyadoo sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto weerarrada, u difaacdo madax-bannaanideeda, una sugto amniga muwaadiniinteeda iyo dadka ku nool dalka.






