Madaxweyne Cirro Oo Kormeeray Qaybta Sifaynta Kelyaha Ee Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqday Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu rakibay 12 mishiin oo cusub oo loogu talagalay adeegga sifaynta kelyaha.
Intii uu booqashada ku jiray, madaxweynuhu wuxuu kormeeray qaybta cusub, wuxuuna la kulmay bukaannada qaata adeegga sifaynta kelyaha iyo masuuliyiinta cusbitaalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kordhinta mishiinnadu ay qayb ka tahay dadaallada lagu ballaadhinayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan daryeelka bukaannada qaba xanuunnada kelyaha.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada, mishiinnada cusub ayaa sidoo kale loo qorsheeyay in lagu kordhiyo adeegyada sifaynta kelyaha ee cusbitaallada Boorama iyo Burco, iyadoo la sheegay in adeeg noocan ah laga hirgelin doono Ceerigaabo mustaqbalka dhow.





