https://www.premierbank.so/

Qoysaska Falastiiniyiinta oo Dalbanaya Xog ku Saabsan 11,200 Qof oo Lagu La’yahay Gaza

GAZA — Qoysas Falastiiniyiin ah ayaa Axaddii isugu soo baxay bannaanka xafiiska Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee magaalada Gaza, iyagoo dalbanaya in la helo xog ku saabsan kumannaan qof oo la la’yahay ama laga cabsi qabo in si khasab ah loo waayay tan iyo markii dagaalka Gaza uu billowday Oktoobar 2023.

Dibadbaxan ayaa ku beegnaa Maalinta Caalamiga ah ee Dhibbanayaasha Dadka Si Khasab ah Loo Waayay, oo sannad kasta la xuso 30-ka Agoosto.

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in in ka badan 11,200 qof ay weli yihiin kuwo la la’yahay ama aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen. Tiradaas waxaa ku jira dad la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha, dad lagu waayay howlgallada milatari iyo barakicinta, iyo sidoo kale dad laga cabsi qabo in lagu hayo xabsiyada Israa’iil iyadoo aan qoysaskooda la ogeysiin.

Hooyada Mahmoud Bassem Matar, oo 25 jir ah, ayaa ka mid ahayd dadka ka qeyb galay dibadbaxa. Waxay sheegtay in wiilkeeda la waayay 12-kii Maarso, kaddib markii uu guriga ka baxay xilli ay socotay bisha Ramadaan.

Qoysku wuxuu baaritaanno ka sameeyay isbitaallo iyo hay’adaha raadiya dadka la la’yahay, sidoo kalena waxay la xiriireen Laanqayrta Cas, balse weli ma helin xog ku saabsan halka uu ku dambeeyay.

Reem Abu Khuwaid ayaa iyaduna sheegtay in ciidamada Israa’iil ay qabteen seygeeda iyo laba wiil oo ay dhashay intii lagu jiray weerar ay Israa’iil ku qaaday magaalada Gaza bishii Diseembar 2023. Waxay sheegtay in tan iyo markaas aysan wax war ah ka helin saddexda qof.

Mohammed Saleha, oo ah isku-duwaha guud ee Shabakadda Ururrada aan Dowliga ahayn ee Falastiin, ayaa sheegay in in ka badan 11,200 Falastiiniyiin ah lagu la’yahay Gaza. Sida uu sheegay, qaar waxay ku jiraan burburka dhismayaasha, halka qaar kalena laga yaabo in lagu hayo xabsiyada Israa’iil.

Saleha wuxuu ugu baaqay ICRC, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah inay cadaadis saaraan Israa’iil si loo helo xog ku saabsan dadka la la’yahay iyo halka ay ku sugan yihiin.

Xarunta Falastiin ee Dadka La La’yahay iyo Kuwa Si Khasab ah Loo Waayay ayaa Sabtidii qiyaastay in 2,500 ilaa 3,000 qof laga yaabo in lagu sameeyay waayitaan khasab ah intii uu socday dagaalka.

Wasaaradda Caddaaladda Falastiin ayaa tirada guud ee dadka la la’yahay ama si khasab ah loo waayay tan iyo 7-dii Oktoobar 2023 ku sheegtay in ka badan 11,200, waxaana ka mid ah in ka badan 4,700 haween iyo carruur ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sidoo kale sheegtay in tan iyo heshiis xabbad-joojin ah oo la saxiixay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, 1,313 Falastiiniyiin ah la dilay, halka 4,361 kalena ay ku dhaawacmeen.

Guud ahaan, Wasaaradda Caafimaadka Gaza waxay sheegtay in dagaalka Gaza ee billowday Oktoobar 2023 uu sababay dhimashada ugu yaraan 73,449 qof, halka 174,472 qof ay ku dhaawacmeen. Tiradan waxaa soo xigtay TRT World oo xogta ku salaynaysa Anadolu Agency.