Dhulgariir 5.9 Magnitude ah oo Mar Kale Ruxay Jasiiradda Flores ee Indonesia
0 Comments
Dhulgariir cabbirkiisu yahay 5.9 magnitude ayaa maanta oo Isniin ah mar kale ku dhuftay gobolka Flores ee Indonesia, isagoo ku dhacay qiyaastii 10 kiiloomitir hoos dhulka. Ilaa hadda lama soo sheegin dhimasho ama burbur cusub oo ka dhashay dhul gariirkan.
Dhulgariirkan ayaa yimid laba maalmood kadib kii xoogga badnaa ee 7.7 magnitude ee Sabtidii ku dhuftay Flores, kaas oo ilaa hadda sababay dhimashada ugu yaraan 53 qof, dhaawaca in ka badan 130 qof, halka kumannaan kalena ay guryahooda ka barakaceen. In ka badan 1,300 guri ayaa burburay ama waxyeelloobay.
Hawlgallada samatabbixinta iyo gurmadka ayaa weli socda, iyadoo dadka ay saameeyeen dhulgariirradu ay sugayaan gargaar.





