https://www.premierbank.so/

UNICEF: Dagaalka Bariga Dhexe Oo Sii Kordhiyay Nafaqo-darrada Carruurta Soomaaliya

Hayโ€™adda caalamiga ah ee UNICEF ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Bariga Dhexe uu si toos ah u sii kordhinayo dhibaatada carruurta ku nool Soomaaliya.

Xero barakac oo ku taal Dollow, carruur badan ayaa wajahaya nafaqo-darro daran, iyadoo kuwa ugu liita aanay xitaa awoodin inay ooyaan sida warbixinta lagu sheegay.

UNICEF waxay sheegtay in sahay gargaar oo qiimaheedu yahay $15.7 milyan ay hadda halis ku jirto, kadib markii dagaalka Iran uu sare u qaaday kharashaadka shidaalka isla markaana hakiyay gaadiidkii sahayda.

Kharashaadka gaadiidka ayaa la filayaa inuu kordho ilaa 60%, taasoo sii adkaynaysa gaadhsiinta cuntada, tallaalada iyo adeegyada muhiimka ah.

Agaasimaha UNICEF, Catherine Russell, ayaa sheegtay in xaaladdani tahay โ€œdhibaato cusubโ€ oo ka dhigaysa in carruur badan ay kasii darto.