โWaan Fashilmayโ:- Ancelotti Oo Kashifay Khaladkii Uu Sameeyay Ee Bur-Burisay Kooxdiisa Kulankii El Clasico.
0 Comments
Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu xiddiga Luka Modric ka ciyaarsiiyay Weeraryahanka beenta ah kulankii El Clasico isaga oo si weyn ugu fashilmay qorshahaas.
โWaxa aan doonaynay in aan kubada haysano in badan iyada oo Modric ka ciyaarayo weerarka laakiin may shaqaynโAncelotti ayaa yidhi ciyaarta kadib.
โBarcelona ayaa naga fiicnaydโayuu tababaruhu sii raaciyay.
โAniga ayaa iska lahaa khaladka, waan raali galinaaa taageerayaasha, wax walba oo aan damacsanaa ma shaqaynโ.
โSi fiican uma qorshayn kulanka, waxa aan khasaarinay kulan muhiim ah sidaas darteed aad ayaan uga xumahayโ.

