https://www.premierbank.so/

Xavi Oo Ka Hadlay Qorshihiisa Kulanka El Clasico.

“Waa goob cajiib ah in aan ciyaarno ciyaar aad u wanaagsan, oo aan muujino inaan ku jirno qaab ciyaareed heer sare ah, Waxa aan u kornay koox ahaan”ayuu Xavi yidhi ka hor kulanka El Clasico.

“Waa inaan muujinaa shaqsiyad oo aan isugu dayno inaan soo bandhigno qaab ciyaareedkeena ugu fiican, hadii ay jirto koox ay tahay in aan isku muujino waa Real Madrid, hogaamiyayaasha horyaalka oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira, waxa ana ula ciyaarnay si fiican kulankii ugu dambeeyay”.

“Madrid waa koox fiican ma ogaan kartid in ay ciyaar difaac kula ciyaari doonaan ama in ay ku weerari doonaan, waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican kulankii PSG”.

“Waxaan qiyaasayaa ciyaar la mid ah midkii Super Cup-ka, Madri waxa ay sugi doontaa weerarka rogaal celiska ah laakiin sidoo kale waxa ay ciyaari karaan kubad haysasho”.

“Waa in aan muujino geesinimo waliba aan ciyaarta ku xidhno fikirkeena isla markaas ahaano kuwo dagan sababta oo ah waxa aan heli doonaa fursadeheena ciyaarta”ayuu sii raaciyay.

 

https://www.premierbank.so/