โWaa goob cajiib ah in aan ciyaarno ciyaar aad u wanaagsan, oo aan muujino inaan ku jirno qaab ciyaareed heer sare ah, Waxa aan u kornay koox ahaanโayuu Xavi yidhi ka hor kulanka El Clasico.
โWaa inaan muujinaa shaqsiyad oo aan isugu dayno inaan soo bandhigno qaab ciyaareedkeena ugu fiican, hadii ay jirto koox ay tahay in aan isku muujino waa Real Madrid, hogaamiyayaasha horyaalka oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira, waxa ana ula ciyaarnay si fiican kulankii ugu dambeeyayโ.
โMadrid waa koox fiican ma ogaan kartid in ay ciyaar difaac kula ciyaari doonaan ama in ay ku weerari doonaan, waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican kulankii PSGโ.
โWaxaan qiyaasayaa ciyaar la mid ah midkii Super Cup-ka, Madri waxa ay sugi doontaa weerarka rogaal celiska ah laakiin sidoo kale waxa ay ciyaari karaan kubad haysashoโ.
โWaa in aan muujino geesinimo waliba aan ciyaarta ku xidhno fikirkeena isla markaas ahaano kuwo dagan sababta oo ah waxa aan heli doonaa fursadeheena ciyaartaโayuu sii raaciyay.






