https://www.premierbank.so/

WAR CAD: Carlo Ancelotti Oo Farta Ku Fiiqay Shaqsiga Ka Masuulka Ah Guuldarradii Cuslayd Ee Kooxdiisa Ku Gaadhay EL-Clasico.

 

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay guuldarradii weyneyd ee kooxdiisa xalay kasoo gaadhay kooxda uu xifaaltanka ba’ani ka dhaxeeyo ee Barcelona.

Kulankaas oo ahaa midkii ugu horreeyay ee uu Xavi Hernandez macalin ahaan horyaalka La Liga ugaga hortago Real Madrid iyo midkii u horreeyay ee uu Santiago Bernabeu macalin ahaan u tago ayuu qabi ahaanba curyaamiyay taatiko kasta oo uu ruugcaddaaga Talyaaniga ahi soo dagay.

Real Madrid ayaa wali 12 dhibcood ka sarreysa Barcelona walow ay kooxda Catalan-ka ahi haysato hal kulan oo u baaqi ah isla markaana ay sagaal dhibcood kusoo koobi karto farqiga.

Si kastaba, Ancelotti oo kulankaas kaddib saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ciyaartoyda u sheegay inuu masuuliyada guuldarradaas weyn iyo qaladkeedaba isagu qaadayo.

Carlo ayaa kulanka kaddib yidhi “Maanu ahayn kuwo la aqoonsan karo, waxkasta way qaldameen, waxaan u sheegay ciyaartoyda in (Guuldarradaas) ay ahayd qaladkayga”.

Mid kamida dhacdooyinka kulankaas ee hadal haynta dhaliyay ayaa ahaa in Pierre Emerick Aubameyang uu taako xoogan ku qabtay Toni Kroos daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta balse aan xataa kaadh digniin ah la siin.

Ancelotti oo dhacdadaas ka hadlaya ayaa yidhi “Anigu ma fahmayo balse kama hadli doono sababtoo ah ma doonayo inaan marmarsiiyo samaysto, waxaanu u ciyaarnay si aad u xun kulankana waxaanu ku qaabilnay si aad u xun”.

 

https://www.premierbank.so/