https://www.premierbank.so/

Aubameyang Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Europa League Xilli Ciyaareedkan.

 

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Aubameyang ayaa ka hadlay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga Europa League xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa garaacday kooxda Galatasaray iskana xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Europa League iyaga oo ah kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka xilli ciyaareedkan.

Aubameyang ayaana aaminsan in ay kooxdiisu gaadhi karto final-ka kuna guulaysan karto Europa League hadii ay kulan walba u ciyaarto sidii kulankii Galatasaray.

“Hadii aan u ciyaarno kulan walba sidii kulanka Galatasaray, waxa aan gaadhi karnaa final-ka waanan ku guulaysan karnaa Europa League”ayuu Aubameyang yidhi.

“Marka aan cadaadis saarno kooxaha waxa aan abuurnaa fursado badan oo aan ku badin karno kulanka”.

Aubameyang ayaa dhaliyay goolka guusha ee ay kooxda Barcelona kaga badisay kooxda Galatasaray isaga oo dhaliyay goolkiisii 7-aad tan ilaa markii uu yimid kooxda Barcelona.

 

 

https://www.premierbank.so/